Ma waxaad tahay shaqodoon raadinaaya shaqo?
- Ma doonaysaa inaad la kulanto shaqo bixiye shaqaale u baahan?
- Ma rabtaa inaad soo afjarto xiligaaga shaqo la'aanta?
- Noogu kaalay Hermods markaas ayaanu kugu beegi shaqada saxda!
Waxaanu sameynaa adeega Kaalmada iyo Ku beegista ”Stöd och Matchning” iyadoo aanu qandaraas ka haysano xafiiska shaqada. Adeega waxay adiga ku siinaysaa kaalmada aad u baahan tahay si shaqo aad ugu hesho. Waxa Hermod leedahay hab hufan oo toos oo laguugu geeyo shaqo bixiyaaga mustaqbalka.
Waxaanu kaa caawinaynaa kuwan:
- Inaad qorto ama aad ka wanaajiso CV-gaaga iyo warqadaada shakhsiga
- Kaalmo inaad soo ururiso aqoontaada iyo xirfadaada
- Kugu haggo habka shaqo raadiska laga bilaabo dalabka illaa tabobarka wareysiga
- Aad heli doonto hagida xirfada iyo waxbarashada
- Lagugu beego shirkadaha raadinaaya adiga xirfadaada ama tababarada kuu keeni doona inaad ku dhawaato shaqada aad ku riyooneyso
- Waxaad heli doontaa xidhiidhkayaga shaqo bixiyayaasha Iswiidhan ku yaala oo dhan.
- Fursad aad ku hesho tabobar
- Aad sameyso oo aad hesho dariiqyo cusub oo shaqad
- Waxaanu haynaa waxyaabaha loo yaqaan ”PopUp-events” oo leh wareysiga degdega ee shaqo bixiyaha sida marar badan keenta wareysi isla maalintaaba.
Sannad kasta waxaanu caawinaa boqollaal qof inay shaqo helaan, adigana aan ku caawino!
Sidan ayaad sameynaysaa:
Talaabada 1:
Isku qor xafiiska shaqada
Talaabada 2:
U sheeg kaaliyahaaga inaad rabto inaad taageero iyo Ku begis (Stöd och Matchning) ka hesho Hermods
Talaabada 3:
La kulan kaaliyahaaga jooga Hermod
Waanu kula soconaynaa ilaa aad shaqo ka helayso!